UPDATE: Wadada Caanka ah Taksim oo ka tirsan degamada Beyoğlu ee bartamaha Istanbul ayuu ka dhacay qaraxa, sida ay ku warameyso warbaahinta dowladda weli ma cadda qaraxa waxa uu ka dhashay iyo noociisaba.

Waaliga (Masuulka Madaxweynaha Turkiga uu soo magacaabo) ee magaalada Istanbul ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey in qaraxaasi ka dhacay Taksim, dhimasho iyo dhaawacna ay jirto.

Wuxuu intaa ku daray in goobta ay gaareen hay’daha gurmadka oo ugu horreeyo Booliska iyo shaqaalaha caafimaadka.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa dul heehaabaya diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicopters-ka. Waxaa la xiray Meydaanka iyo Masjidka weyn ee Taksim.

La soco faafaahinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here