Ururka Daacish, ayaa saakay xiray qaybo ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan qaybo ka mid ah Bagaashka iyo daawada.

Daacish, ayaa hore u qaaday tilaabo nuucaan oo kale ah, waxaase ka horyimid oo albaabada dib u furay ciidamada amniga gaar ahaan ciidamada Nabadsugidda ee degmada Howlwadaag iyo saldhiga booliska degmada Howlwadaag.

Sikastaba ha ahaate waa arrin ugub ku ah in daacish ay xirto qaar kamid ah goobaha ganacsi ee suuqa bakaaraha ku yaalo haddaba waxaay wajahayaan ganacsatada muqdishu sadax xagal cadaadis ah Alshabaab iyo Daacish halka dowladda ay amaro kuso rogta xiliyada qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here