Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axadii sheegay inay shir ka yeelan doonan 17-ka bisha Janaayo 2024 oo maanta ku beegan damaca Itoobiya iyo ku xad-gudubkeeda madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa noqon doona mid ku qabsoomaya dhanka aalada fogaan aragga ah, waxaana looga hadlayaa khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ,kadib heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland .

Advertisement

Sida BBC-du tabisay Ku xiigeenka xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Hossam Zaki ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska ‘sharci darrada ah’ ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Masuulkaan wuxuu tilmaamay go’aanka qabsoomidda shirka uu ku yimid codsi Dowlada Soomaaliya ka yimid waxaana  taageerey ilaa 12 dal oo Carbeed.

“ma aqbali doonno heshiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya” ayaa hore loogu yiri war ka soo baxay Jaamacada Carabta oo si weyn taageere loogu  muujiyay Somalia

Sidoo kale afhayeenka Jaamacadda Carabta Kamal Rushdi ayaa hore u muujiyay taageeradiisa Somalia isagoo saxaafada u sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin ka  Jaamacadda Carab ahaan qaraarkii hore uga soo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Jaamacada Carabta oo baaq udirtay Somalida – Idil News

Previous articleMareykanka oo sheegay in Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya inuu caqabad ku yahay dagaalka Alshabaab lagula jiro
Next articleSucuudiga oo shuruud adag ku xirey inay Dal ahaan u aqoonsadaan Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here