Waxaa shalay Magaalada Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland ku shiray ururada Soomaalida ah ee ku middeysan dalladda “Isutagga Ururada Soomaalida ee Nederland” oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN.
Dalladda FSAN,  oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah oo ka dhisan Nederlands, waxaa la aasaasay 1994-tii, iyada oo Guddiga dalladda oo la doorto saddexdii sanno halmar ay ka shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadaha Soomaalida & Dowladda Nederland & Sidoo kale wacyigelinta mushtamaca Soomaalida.
Kulankii shalay waxaa lagaga hadlayay qoddobo ay ka mid yihiin:-
1] Miisaaniyada ururka
2]Qiimeyn lagu sameynayay waxyaabihii ururka u qabsoomay muddada sannadka & barka ah ee ay shaqeynayeen guddiga cusub.
3] Eegista & ansixinta 2 urur oo ku soo biiray dalladda.
4] Balaarinta xubnaha guddiga oo markii hore ahaa 5 oo laga dhigay 7.
 & qoddobo kale.
Guddoomiyaha dalladda Maxamed C/llaahi [Askari], Guddoomiye ku-xigeenka C/qaadir Nuune, Xisaabiye C/wahaab Yariisow & Maxamed Cusmaan [Guurre] ayaa xubnihii metalayay ururada si guud ugu faahfaahiyay qoddobadii laga hadlayay.
Ururada ayaa ansixiyay in la ballaariyo Guddiga, waxaanna ku soo biiray saddex xubnood oo kala ah:
Cali Amiin
Raaxo
C/shakuur Cilmi
HOOS KA DAAWO VIDEOW-GA KULANKA.
Previous articleXOG: ku saabsan Dagaalamayaal Alshabaab ah oo ku go’doonsan duleedka Magaalada Mahadaay
Next articleDowlada Itoobiya oo beenisay Warkii Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here