Sida goor dhaw lagu shaaciyay TV-ga Somaliland Ericson Mangoli oo ah Suxufi iyo qoraa Kenyan ah ayaa warbixin uu qoray maanta ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay qarka u saaran tahay inay hesho aqoonsiga caalamiga ah ee ay 34ka sannadood ay raadinaysay.
Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, oo warbaahinta caalamiga ah ka soo xigatay warbixinta Ericson Mangoli oo qiray inay Somaliland iskeed isu bixisay oo ay dhisatay dawladnimo, ciidammadeeda ammaanka iyo nidaamkii dawliga ahaa oo dhan, isla markaana ay aad u xoojisay dedaalkeeda ictiraaf raadinta.
Warbixintu waxa ay xustay in socdaalkii uu toddobaadkan ku tagay Hargeysa General Dagvin Anderson oo madax ka ah taliska ciidammada Maraykanka ee Afrika, uu muujinayo kaalinta Somaliland kaga jirto amniga mandaqada iyo nabada badda cas.
Sidoo kale, Ericson Mangoli wuxuu tibaaxay in hindise sharciyeedka madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee uu soo bandhigay xildhibaan Scott Perry, uu u ogolaanayo madaxweynaha Mareykanka inuu aqoonsado Somaliland.
Waxa kaloo uu xusay in dalalka yurub ee Ingiriisku hormuudka u yahay iyo wadamada khaliijku ay kor u qaaadeen taageerada aqoonsiga Somaliland, iyagoo dhiirigelinaya in lala yeesho iskaashi maalgelineed iyo mid istiraatajiyaddeed.
“Dekedda Berbera iyo kaabayaasha dhaqaalaha ayaa ka dhigaya Somaliland mid door muhiim ka qaadanaysa amniga iyo ganacsiga badda Cas,” ayuu yidhi Ericson Mangoli.
Qoraa Mangoli wuxuu hoosta ka xariiqay in Hoggaamiyeyaasha iyo shacbiga Somaliland ay aaminsan yihiin in aqoonsigii ay sugayeen uu hadda soo dhawaaday, isla markaana ay rejaynayaan in caalamku garwaaqsado nabada iyo dimuqraddiyadda ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.
