HomeWarkiiC/raxman C/Shukuur oo u hanjabay Wasiir Fiqi maalinta banaan-baxa

C/raxman C/Shukuur oo u hanjabay Wasiir Fiqi maalinta banaan-baxa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/raxman C/shukuur ayaa caawa xarunta xisbigiisa wuxuu ku qabtay isu soo baxa gaaban oo ay isugu yimaadeen dadkii Dowladu ka sartay dhulka Dowlada oo ay mudo deegaansana6een.

Xildhibaanka oo ka mid Mucaaradka ayaa si dad-ban ugu hanjabay Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan sheegay in mucaaradku banaan bax dhigi karin kaasoo aan Dowlada lagu wargelin islamarkaana ay ka yeersiin doonaan albaabka naga fura Yuhuud maa tihiin.

C/raxmaan ayaa si kulul wuxuu u sheegay inay banaan baxa dhigi doonaan islamarkaana ay is baran doonaan Wsiir Fiqi.

“Anaga iyo wiilkii dhahay Yuhuud maa tihiin aan idinka yeersiina waa isbaraneynaa banaan baxana waan qabaneynaa ee kusoo laabta dhulkii la idinka barakiciyay” ayuu yiri yiri Xildhibaan C/raxman C/shukuur

Xildhibaanka  wuxuu ka dhawaajiyay in caalamka oo dhan ay gaartay cabashada  shacabka ay ka muujiyaan arimaha dhulka.

“Waxaan idinku bishaareynayaa in meel kasta uu tago Madaxweyne Xasan lagu weydiiyo arimaha dhulka”ayuu mar kale yiri

Faah-faahinta hadalada Xildhibaanka ka daawo muuqaal aan ka soo qaadanay Universal Somali Tv:-

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -