Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid, Fede Valverde, ayaa si cad u kala saaray tababaraha cusub ee kooxda, Xabi Alonso, iyo macallinkii hore, Carlo Ancelotti.
Waxaa la xasuustaa in Alonso uu dhowaan beddelay Ancelotti kadib markii uu ka tagay kooxda Bundesliga ka dhisan ee Bayer Leverkusen.
Ancelotti ayaa isaga tagay Los Blancos si uu u qabto xilka tababarenimo ee xulka qaranka Brazil.
Valverde oo hadlay kadib guushii 3-1 ee ay Real Madrid ka gaartay Pachuca kulan ka tirsanaa Koobka Adduunka ee Naadiyada, ayaa sharaxay farqiga u dhexeeya labada tababare:
“Farqiga u dhexeeya Ancelotti iyo Xabi? Xabi wuxuu naga rabaa annaga oo ah khad dhexe in aan yeelano xakameyn badan,” ayuu yiri xiddiga reer Uruguay, sida laga soo xigtay Madrid Zone.
“Ma rabo in aan hoos u soo degno si aan kubadda u qaadanno, wuxuu naga rabaa in aan joogno intaa u dhaxeysa khadka dhexe iyo weerarka, si aan horay ugu soconno.”
Real Madrid ayaa haatan wajahaysa RB Salzburg kulanka xiga ee Koobka Adduunka ee Naadiyada, kaasoo dhici doona Jimcaha.