XIGASHO LAACIB.NET
Virgil van Dijk ayaa ka hadlay guuldarradii Liverpool ka soo gaartay Crystal Palace finalkii Community Shield.
“Dhamaanteen waxaan leenahay waayo-aragnimo badan, guulo iyo guuldarro labadaba. Saameynta ay tani nagu yeelan karto waa inaan garowsanno in ay jiraan dhowr arrimood oo aan u baahannahay inaan ka war heyno koox ahaan haddii aan rabno inaan difaacanno horyaalka, taas oo lafteedu shaqo aad u weyn ah,” ayuu yiri Van Dijk.
“Berri waa maalin soo kabasho ah, kaddibna si buuxda ayaan diiradda u saari doonaa Bournemouth, taas oo noqon doonta ciyaar aad u adag. Laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay bilaabashada Premier League.
“Inaan gurigeenna iyo taageerayaasheenna hortooda ku ciyaarno, waan ognahay inay noqon doonto ciyaar shucuur badan leh, iyadoo la tixgelinayo wax kasta oo soo socda iyo wixii nasoo maray. Laakiin si weyn ayaan ugu hanweyn-nahay.”
XIGASHO LAACIB.NET
