XIGASHO LAACIB.NET
Kabtanka kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa sheegay inuu filayo in goolal tiro beel ah ka yimaadaan Alexander Isak, ka dib markii uu xiddiga reer Sweden soo maray xilli-ciyaareed adag oo dhaawacyo ragaadiyeen.
“Waa muhiim in Alex uu goolal dhaliyo maadaama uu yahay weeraryahanka kooxda, goolkii uu dhaliyayna wuxuu ahaa mid aad u qurux badan,” ayuu yiri Van Dijk ka dib guushii 3-1 ee ay Liverpool ka gaartay kooxda Crystal Palace. Wuxuu intaas ku daray in ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ay si buuxda u garanayaan tayada weyn ee uu leeyahay Isak.
Van Dijk ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan jirin wax walaac ah oo uu ka qabo weeraryahanka, isagoo xusay in waxa uu u baahan yahay oo qura ay tahay kalsooni iyo inuu helo kulamo badan oo uu ciyaaro. “Waxaan ka rabnaa wax ka badan goolal, waana waxa uu keeni karo. Waa inuu sii wadaa shaqada, ahaadaa mid taam ah, isla markaana muhiim u ahaado kooxda,” ayuu raaciyay difaaca reer Holland.
Ugu dambeyntii, Van Dijk ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Isak uu hadda taam yahay, uuna diyaar u yahay inuu garoonka ku soo bandhigo tayadiisa dhabta ah ee lagu arkay xilliyadii uu tababarka la qaadanayay kooxda.
XIGASHO LAACIB.NET
