HomeCiyaarahaVan Dijk oo ka falceliyay dhaleeceyn kulul kadib guushii Malta

Van Dijk oo ka falceliyay dhaleeceyn kulul kadib guushii Malta

XIGASHO LAACIB.NETInkasta oo xulka Netherlands uu si raaxo leh u garaacay Malta 4-0, haddana kabtanka Virgil van Dijk ayaa weli lagu dhaliilay warbaahinta dalkiisa hooyo.

Saxaafadda Dutch-ka ayaa ku tilmaantay bandhiggiisa inuu ahaa “daciif” iyo “xanuun badan”, kaddib markii uu sameeyay qalad ciyaarta bilowgeeda ah iyo kaadh huruud ah oo uu qaatay qaybta dambe.

Daafaca dhexe ee Liverpool ayaa haatan hal digniin u jira ganaax hal kulan ah oo uu la kulmi karo, balse Van Dijk ayaa difaacay ficilkiisa isagoo sheegay inuusan qalad sameyn.

“Anigu ma u maleynayo iney ahayd kaadh huruud ah,” ayuu yiri kabtanka Netherland. “Waxaan maqlayaa dad leh waxaan halis ugu jiraa ganaax, waana in aan sidaas ula qabsadaa.”

“Waa qayb ka mid ah ciyaarta. Hadda waxaan haysannaa saddex kulan oo muhiim ah si aan u gaarno ujeeddadeenna. Marka hore, aan u gudubno kulanka xiga.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -