Advertisement

by Abdiwahab Ahmed March 16, 2023
Victor Osimhen Oo Si Cad Uga Hadlay Haddii Uu Tegayo Manchester United & Ten Hag Oo Faraxsan

Weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen ayaa iska diiday inuu meesha ka saaro inuu tegayo Manchester United xagaaga, kaddib markii uu laba gool ka dhaliyey ciyaartii ay xalay kooxdiisu ku khaarajisay Eintracht Frankfurt.

Victor Osimhen oo ay da’diisu tahay 24 jir ayaa xilli ciyaareedkan socda wxa uu dhaliyey 23 gool 18 ciyaarood oo uu u saftay Napoli, waxaana saxeexiisa ku dagaallamaya kooxo waaweyn oo reer Yurub ah.

Manchester United ayaa safka hore kaga jirta naadiyada lala xidhiidhinayo Victor Osimhen ee qasnaddooda u jabinaya xagaaga foodda inagu soo haya, laakiin naadiyada Arsenal iyo Chelsea ayaa iyaguna si weyn u xiisaynaya.

Xiddiga reer Nigeria oo xalay saxaafadda la hadlayay ayaa wax laga weydiiyey xiisaha uga imanaya Manchester United, waxaanu ku jawaabay: “Anigu ma ogi waxa mustaqbalka iigu laaban, laakiin waxay ila tahay inan tubtii habboonayd ku taaganhaay.

“Dhamaadka xilli ciyaareedka, waxa aan la fadhiisan doonaa wakiilkayga oo an wax walba kala hadli doonaa. Waxa aan sidoo kale la hadli doonaa kooxda [Napoli]. Waan ku faraxsanahay Napoli, waxaanan ku kalsoonahay in aanu wada-jir u gaadhi doono xalka.”

 

Fursadda Ay Koox Walba U Haysato Ku Guuleysiga Champions League Iyo Taariikhda Cusub Ee Samaysmaysa

QIIMAYN: Fursadda Ay Koox Walba U Haysato Ku Guuleysiga Champions League Iyo Taariikhda Cusub Ee Samaysmaysa
MARCH 16, 2023

Thibaut Courtois Oo Magacaabay LABADA Kooxood Ee Ay Real Madrid Ka Ducaysanayso Isku-aadkaa Jimcaha La Samaynayo

Napoli oo xalay usoo gudubtay wareegga siddeedda Champions League, ayaa waxay kusii dhowaanaysaa ku guuleysiga horyaalka Serie A oo ay 18 dhibcood ka horreyso kooxda kusoo xigta.

Si kastaba, Manchester United ayaa kala dooranaysa Victor Osimhen iyo Harry Kane, waxaanay xogaha la helayo sheegayaan in tababare Erik ten Hag uu doonayo inuu la saxeexdo Victor Osimhen