VIDEO Gudiga Tabarucaada dhismaha masaajidka xaafada raadeerka ee dagmada dayniile

Gudiga dhismaha masaajidka imaamul dahabi ee ku yaal xaafada raadeerka ee dagmada dayniile wuxuu bulshada somaliyeed ku war galinayaa in la bilaabay dhismaha saajidka ayna cid kasta u banaantahay in ay wax uun ku darsadaan .

Munaasibad balaaran oo lagu qeybtay xarunta masjidka ee xaafada raadeerka ayaa waxaa ka soo qeybgalay culumaaudiin waxgaradka ganasato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan waxayna ka soo saareen qaabka ugu haboon ee looga qeybqaadan karo dhismaha masjidka iyo dhameystirkiisa .

Sheikh ibraahim Maxamuud jiisow oo ku hadlayey Magaca qoyska dhulka waqfay ama hibeeyey ayaa faahfaahiyey ujeedka iyo faaiidada ay leedahay in laga qeybqaato dhismo masaajid dalka iyo dibadaba wuxuuna ugu baaqay dhamaan bulshadu ka qeybqaataan dhismaha masaajidka . Sheikh Maxamuud Owcabdulle cariif oo ayaa bulshada ku booriyey in ay u dagdagaan sare u qaadida dhismayaasha masaajidada iyo xasanaadka ay leedahay wuxuuna sidoo kale soo bandhigay tirsiga nambarada lagala xariiri karo .

Sheikh wuxuu ugu baaqay dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan . Sadax ayaa nabigu NNKH uu dhaar ku maray oo kala ah “hal xaafad iyo shaqsi midna ma dhisi karaan ee u tartama kheyraadka oo dhisa masaajidada “ Wuxuuna u rajeyeeyey in ay guul ku dhamaan doonto dhismaha masaajidka imaamu dahabi ee raadeerka oo dhulkiisa ay bixiyeen reer Maxamuud Jiisow .

Imaamka masaajid Macalin Ciise Cabdulle raage ayaa xusay baahida ay u qabeen balaarinta masaajidka oo jameeca cariiri ku noqday uuna aad ugu faraxsan yahay in bulshadu iska kaashato dhismihiisa Masjidka ayaa la rejeynayaa in ay ku cibaadeystaan dad aan weli dhalan sida uu inoo sharaxayo mid ka mid ah culumada deegaanka Maalkaaga runta waa midka aad sidaqeysato midka lagaa dhaxlayana waa midka aad dib u dhigato

Qofku haduu dhinto camalkiisu waa go.ayaa iyo sadax ayaa raacda meydkiisa ehelkiisa iyo asxaabtiisu wey ka soo laabtaan macalkiisa ayaa ku hara waxaa ka mid ah qofkii sadaqo jaariya ah la baxay sida dhsida masaajidada oo ilaah yiri qofkii masaajid dhisa janada ayaan guri uga dhisayaa marka xabaasha la galiyo balse waxaa raaca camalkiisa qofkii wanaag sameeya ilaah wuxuu ugu badalayaa 10 laabkeed

kala xariir nambaradaan oo wax la bax ka hor inta aadan dhiman adey kuu yaalaan sadaqadii aad la baxdo Banki salaama 32807254 talephon nambar EVC Plaz 0613959994

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064