XIGASHO LAACIB.NET
Viktor Gyokeres ayaa laba gool u dhaliyay Arsenal kulankii horyaalka Premier League ay la ciyaareen Fulham.
Tani waxay ka dhigtay wadarta goolasha uu xiddiga u dhashay dalka Sweden u dhaliyay Gunners 21 gool, taas oo ah natiijo cajiib ah xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda.
Sida ay sheegtay BBC-da, Gyokeres ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Arsenal ah ee dhaliya in ka badan 20 gool xilli ciyaareedkiisii koowaad ee kooxda tan iyo xilli ciyaareedkii 2014-15.
Waqtigaas, Alexis Sanchez ayaa shabaqa soo taabtay 25 jeer 52 kulan oo uu u saftay Arsenal. Gyokeres ayaa haysta ugu yaraan afar fursadood oo kale oo uu ku kordhisan karo wadarta goolashiisa.
XIGASHO LAACIB.NET
