Advertisement

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulan hor dhac ah oo dhex maray Xubno ka socda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka socda  maamulka Puntland.

Villa Somalia ayaa la sheegaya inay dadaal xooggan ku bixinayso inay si deg deg ah wada-hadal ula furto xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ee waqtigiisa sii dhamaanayo.

 

Wararka ayaa sheegaya in Gudi ka socda labada dhinac ay ku kulmeen magaalada Nairobi, waxaana lagu wadaa in ay ka soo saaraan kulankaas baaq ku aadan heshiis hor dhac ah.

 

Sidoo kale Puntland ayaa dhankeeda marar dhowr ah kor u sheegtay inay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladdafederaalka, balse lama oga inay aqbali doonaan dadaalada ay Villa Somalia ku dooneyso in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, oo heshiis looga gaaro khilaafka taagan.

Nairobi

 

Previous articleXiisad mar kale ka soo cusboonaatay Qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla gudaha deegaanka Garasbaaley
Next articleFaahfaahin ka soo baxaysa duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here