Shirkii Madaxweynaha DFS iyo madaxdii hore ayaa kusoo dhamaaday Muqdisho, goor dhaw iyadoo doodaha waa weyn ee dhinacyadu ay soo jeediyeen ay wali kala taagan yihiin.

1- Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kuqanciyey xubnaha heshiiskii Madasha Wadatashiga diidanaa, in uusan Mudo kororsi u soconin, oo uu dhawaan cadeyn doono.

Advertisement

2- Sidaas oo kale Villa Somalia, ayaa ku guuleysatay in aan lasoo saarin warmurtiyeed lagu qeexayo, wixii kasoo baxay madasha wada hadalka 2-da maalmood, Xassan ayaa dood kasoo celiyey sharciyada warmurtiyeed ee lasoo saari karro.

3- Balse taas bedelkeeda siyaasiinta dibada jooga ah ayaa qori doona warqad Talo-Soo jeedin ah oo loo dirayo golaha baarlamaanka 11-aad, kaas oo lahorgeynayo Heshiiskii madasha wadatashiga, iyadoo Xassan Sheekh ku adkeystay in heshiiska la gaaray Golaha baarlamaanka 11-aad hadda u gudbay oo halkaas looga doodayo.

4- Sida muuqata Villa Somalia, ayaa guul siyaasadeed kala hoyanaysa, shirkan oo socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay, maadaama xubnaha siyaasiinta diidanaa heshiiska aysan heynin maxsuul cad.

Previous articleGolaha Wasiirada oo ansixiyay Magacaabista Agaasimaha Hay’adda Socdaala & Jinsiyadaha
Next articleDEG DEG Qarax ka dhacay caawa Muqdishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here