HomeWarkiiVilla Somalia oo ka hadashay farqiga u dhexeeya Safarrada Madaxda Qaranka iyo...

Villa Somalia oo ka hadashay farqiga u dhexeeya Safarrada Madaxda Qaranka iyo kan Maamulka Somaliland

Agaasimaha Madaxtooyada Somalia C/casiis Golyare ayaa war qoraal ah ka soo saaray farqiga u dhexeeya Safarrada madaxda Qaranka iyo kuwa Maamulada gaar ahaan kuwa gooni goosatada isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in safayiin waa weyn maanta is bar bar dhigayaan Safarrada Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamulada.
Madaxooyada Somalia waxay sheegtay in Safarrada madaxda Qaranka ay shacabka Somaliyeed xaq u leeyihiin inay la socdaan bilowga ilaa natiijada ka soo baxda Safarka Madaxweynaha.
Qoraalka C/casiis Golf-Yarre oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Safarrada madaxda Qaranka waa kuwo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo ahdaaf uu Qaranku leeyahay, waxayna ka mid yihiin howl maalmeedkooda.

Sir maaha, muwaadiniintana waxay xaq u leeyihiin inay xogta ugu badan ka ogaadaan, laga billaabo marka safarka la qorsheynayo, xilliga, muddada, mas’uuliyiinta safrayo, ajendaha loo safrayo, cidda lala kulmi doono iyo ugu dambeyn natiijada laga gaaray.

Is barbar dhigga safarrada madaxda Qaran jira iyo maamul gooni u goosad ah oo tahriib ku taga dal dunida ka cambaareysan oo ka baqayo inay shacabkooda ogaadaan maadaama ay ka shaqeynayaan wax ka soo horjeeda dhaqanka, diinta iyo mabaadi’da dadkooda, lagama fileynin suxufiyiin waa weyn.

Suxufi dhiirri gelinaayo in xogta safarrada madaxda la qariyo 2026 waa wax lala yaabo.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -