Shalay ayay ahayd Markii  Madaxda musharixiinta ay ku eedeeyeen Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday in uu Caqabad ku yahay heshiiskkii dhex maray Xukuumada iyo Musharixiinta, waxaa arintaas ka jawaabay afhayeenka Madaxtooyada.

Afhayeenka Villa Somalia Cabdirashiid Xaashi oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in u jeedkoodu uusan aheyn carqaladeyn shir kale, balse arrimahani ay yihiin kuwo iskaabaya oo labada shirba ay muhiim u yihiin howlaga socda.

“Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay yimaadaan Muqdisho uma maleynayo in taasi ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada xukuumaddu ay la furtay mucaaradka inay sii socdaan, waxaana is leeyahay waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Mar wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan madaxweynaha hadii shirkan uu baaqdo sidii kuwii hore, waxa uu sheegay in marnaba uusan madaxweyne Farmaajo ka daaleyn dadaalka uu ugu jiro in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida uu sheegay.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here