Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux & Midowga Yurub Yoonis Yaasiin Xaashi ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu gaaro magaalada Muqdisho kaddib markii ay sidaa dalbatay Villa Somalia.

Socdaalka Danjire Yoonis,  waxaa ka soo baxaya warar kala duwan; iyada oo wararka qaar sheegayaan in  safiirka la beddeli doono, kaddib markii Villa Somalia ay soo gaartay cabashooyin isdaba joog ah, kuna saabsan ku-takri-fal maamulkii safaaradda, ceyrin howl-wadeeno muhiim ah, musuqmaasuq & arrimo kale.

Advertisement

Danjire Yoonis oo xilka safaaradda hayay muddo ku dhow sannad ayaa dayactir & dib u habeyn ku sameeyay qeybo ka mid ah dhismaha safaarada.

Qaar ka mid ah dadka safaarada u soo doonta dokumintiyada ayaa ka cabanaya in marka loo eego qiimihii laga qaadi jiray dukumintiyada in Yoonis uu 2 jibaaray.

Magaalada Brussels waxaa dhowrkii cisho ee ugu dambeeyay ku sugnaa La-taliyaha dhinaca amniga Xuseen Macalin oo ay xiriir dhow leeyihiin safiirka, isaga oo la sheegay inuu u kala dab-qaadayay Madaxweyne Xassan & Danjire Yoonis.

Mid ka mid ah shaqsiyaadka ku dhowdhow safiirka, oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa saxaafadda u soo dusiyay inay hubaal tahay ceyrinta safiirka, wuxuuse sheegay in Brussels ay u baahan tahay khabiir siyaasadeed.

“Dowladda Xassan Sheekh, weli safiir ma beddelin, mana magacaabin. Danjire Yoonis dacwooyin badan ayaa laga gudbiyay; Brussels waxeey ka macno badan tahay Washington, waa xaruntii waddamada Yurub, mas’uulka Soomaaliya u metelaya waa inuu ahaadaa qof siyaasada muddo ku soo jiray, bisil, aqoonyahan ah. Danjire Yoonis wuxuu ka mid ahaa guul-wadayaashii Farmaajo. Brussels-na ma ahan meel guul-wade u baahan, waa meel u baahan qof siyaasada ku cireystay, oo Soomaaliya adduunka ka gadi kara, waxaan maqlayaa waxaa lagu beddelayaa Ina Faroole laakiin haddii la is barbar dhigo Ina Faroole & Yoonis waxaa roon Yoonis” Ayuu yiri mid ka mid ah shaqsiyaadka ku dhowdhow Yoonis.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here