XIGASHO LAACIB.NET
Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa in xiddiga reer Brazil VinÃcius Junior uu dareemayo niyad jab iyo raaxo la’aan gudaha Real Madrid kaddib isbeddelladii ka dhacay kooxda tan iyo imaatinka Kylian Mbappé.
Sida uu sheegay wariyaha Marcos Benito ee barnaamijka El Chiringuito, VinÃcius wuu aqbalay kaalinta cusub ee uu ciyaaro xilli uu garoonka la wadaagayo xiddiga Faransiiska, hase yeeshee wuxuu dareemayaa in dadaalladiisa weyn aysan helin abaalmarin ku filan tababaraha cusub ee kooxda, Xabi Alonso.
VinÃcius ayaa sanado badan ahaa tiir muhiim u ah Madrid, balse mustaqbalkiisa hadda waxaa ku jira shaki weyn, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo sanadka 2027, islamarkaana aan weli wax heshiis cusbooneysiin ah lala gaarin.
Waxaa intaas dheer in kooxaha horyaalka Saudi Pro League ay si dhow ula socdaan xaaladda ciyaaryahanka, waxaana la rumeysan yahay inay dalabyo rasmi ah u gudbin doonaan haddii uu go’aansado inuusan qandaraaska dib u cusboonaysiin.
XIGASHO LAACIB.NET
