HomeCiyaarahaVinicius Junior oo go’aan culus ka soo saaray mustaqbalkiisa Real Madrid

Vinicius Junior oo go’aan culus ka soo saaray mustaqbalkiisa Real Madrid

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga Real Madrid, Vinicius Junior, ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda, isagoo muujiyay rabitaan cad oo uu ku sii joogayo Santiago Bernabéu muddo dheer.

“Cusbooneysiinta heshiiska? Waxaan rajeynayaa inaan halkan sii joogo waqti dheer,” ayuu yiri Vinicius.

Wuxuu intaas ku daray:

“Hal sano ayaa ii harsan, laakiin waan degganahay. Waxaan haystaa kalsoonida madaxweynaha. Waqtiga saxda ah ayaan cusbooneysiin doonaa heshiiskeyga, waxaana halkan sii joogi doonaa muddo dheer, sababtoo ah waa kooxda riyadeyda.”

Garabka reer Brazil ayaa cadeeyay daacadnimadiisa, isagoo diiday hadal haynta la xiriirta xiisaha kooxaha kale ee Yurub.

Vinicius ayaa weli ah laf-dhabarta weerarka Real Madrid, wuxuuna diiradda saarayaa inuu kooxda ka caawiyo guulo La Liga iyo UEFA Champions League, isagoo doonaya inuu dhiso taariikh weyn oo uu ku yeesho kooxda.


XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -