XIGASHO LAACIB.NET
Liverpool ayaa 26 gool oo laga dhaliyay xilli ciyaareedkan ka mid ah 12 gool oo kaga yimid kubbadaha istaagga (set-pieces), oo uu ku jiro goolkii Wolves ee gees ka laadka.
Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa qirtay in tani tahay dhibaato jirta isla markaana ay kooxda ka shaqaynayso xalkeeda.
“Waxaan si fiican u difaacnay kubbadaha istaagga oo badan. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay in goolal badan nalooga dhaliyay sidaas, waana wax na dhaawacaya. Waa inaan hagaajinaa,” ayuu yiri Van Dijk.
“Arrintu waxay ku saabsan tahay ku celcelin, tababar iyo falanqayn. Waa wax ay tahay inaan horumar ka sameyno. Qiyaastii 75 boqolkiiba ama ka badan, dhibaatadu ma aha taabashada koowaad ee kubbadda, balse waa wejiga labaad (second phase) oo ah kan halista ah.”
XIGASHO LAACIB.NET

