HomeCiyaarahaVirgil Van Dijk oo ammaan balaadhan u jeediyay Florian Wirtz kadib guushii...

Virgil Van Dijk oo ammaan balaadhan u jeediyay Florian Wirtz kadib guushii West Ham

XIGASHO LAACIB.NET

Daafaca Liverpool Virgil van Dijk ayaa si weyn ula dhacay bandhiggii cajiibka ahaa ee Florian Wirtz kulankii ay Reds 3–1 kaga badiyeen West Ham, ciyaar uu Wirtz ku helay abaalmarinta Player of the Match ee ay codeeyaan taageerayaasha.

Van Dijk oo ka hadlayay qaab-ciyaareedka xiddiga reer Jarmal ayaa yiri:

“Wuxuu u ciyaaray si heer sare ah. Waa wax aad u wanaagsan inaan aragno isaga oo soo laabtay.Kulankii Frankfurt sidoo kale si fiican buu u ciyaaray.”

Kabtanka Liverpool ayaa sheegay in waqtiga la qabsiga uu caadi yahay, balse ciyaartan ay si cad u muuqatay tayada Wirtz marka uu kubbad la’aanta yahay iyo marka uu kubbadda heysto.

“Waa wax noo fiican annaga oo dhan. Laakiin waa hal kulan oo keliya, sidaa darteed waa inaan sii wadnaa, natiijooyin helnaa, oo sii soconnaa,” ayuu raaciyay Van Dijk.

Wirtz, oo xagaagan ku soo biiray kooxda, ayaa si degdeg ah u muujinaya sababta uu u yahay mid ka mid ah da’yarta ugu hibada badan Yurub.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -