XIGASHO LAACIB.NET 
Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa farriin dhiirrigelin ah u diray taageerayaasha kooxda ka hor kulanka caawa ee Premier League ay Anfield kula ciyaarayaan Newcastle United.
Van Dijk ayaa ku sheegay qoraalkiisa barnaamijka ciyaarta in kulankan uu yahay mid aad u muhiim ah, isagoo xusay in marka Liverpool ay Anfield ku ciyaarayso mar walba laga filayo waxqabad sare.
“Markaad Anfield ku ciyaareyso, waxaa lagaa filayaa inaad wax keento. Waan ognahay mas’uuliyaddaas, waxaana diyaar u nahay caqabadda,” ayuu yiri Van Dijk.
Kabtanku wuxuu sidoo kale ammaanay guushii 6–0 ahayd ee ay Arbacadii ka gaareen Qarabag, taasoo xaqiijisay u soo bixitaankooda wareegga 16-ka Champions League. Wuxuu sheegay in waxa farxad geliyay ay ahayd dadaalka joogtada ah ee ay ciyaartoydu muujiyeen 90-kii daqiiqo oo dhan.
Isagoo diiradda saaraya Newcastle, Van Dijk ayaa qiray in ay la ciyaarayaan koox adag oo jir ahaan xooggan, isla markaana leh ciyaartoy khibrad leh. Wuxuu xusuusiyay in inkastoo ay horay ugu garaaceen Newcastle garoonkooda, haddana ay ahayd ciyaar aad u adag.
“Waxaan filaynaa dagaal kale caawa, balse farqiga ugu weyn waa taageerayaasheena. Codkiinna iyo jawiga Anfield waa hub weyn,” ayuu yiri Van Dijk.
“Anaga garoonka ayaan ku bilaabi doonnaa shaqada, idinkuna jawiga sameeya. si wadajir ah, aan uga dhigno Anfield caawa mid gaar ah.”
