=XIGASHO LAACIB.NET=
Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa mar kale fariin cad u diray saaxiibkiisa daafaca dhexe Ibrahima Konate, isagoo sheegay inuu si weyn u doonayo in xiddiga Faransiiska uu sii joogo kooxda ka dib xilli ciyaareedkan.
Van Dijk ayaa amaanay Konate kaddib markii ay shabaqa ilaashadeen kulankii ay ka badiyeen Sunderland habeenkii Arbacada.
“Wuxuu ahaa mid cajiib ah. Brian Brobbey ayaa la joogay inta badan ciyaarta, waana weeraryahan dhib badan, balse Ibou wuxuu sameeyay shaqo heer sare ah,” ayuu yiri Van Dijk.
Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallada qandaraaska cusub wali wax horumar ah lagama gaarin, iyadoo wax ka yar lix bilood ay ka harsan yihiin heshiiskiisa. Liverpool weli rajo kama quusan inay sii haysato Konate.
=XIGASHO LAACIB.NET=
