HomeCiyaaraha​”Waa Beentood” – Pep Guardiola oo weerar afka ah ku qaaday Kooxaha...

​”Waa Beentood” – Pep Guardiola oo weerar afka ah ku qaaday Kooxaha Premier League ka dib markii uu suuqu xirmay.

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in ugu yaraan lix kooxood oo Premier League ah ay si dhab ah ugu tartamayaan ku guuleysiga Premier League, Champions League iyo koobabka kale xilli-ciyaareedkan.


Hadalkan ayuu Guardiola bixiyay kaddib markii suuqa kala iibsiga bisha Janaayo uu xirmay Isniintii, iyadoo Manchester City ay lasoo saxiixatay Antoine Semenyo iyo Marc Guehi. Saxiixyadan ayaa ka dhigay in City ay qarashgareyso in ka badan £450 milyan 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in City ay kaga hormarsan tahay kooxaha kale dhanka kharashaadka, isagoo tilmaamay in lix kooxood ay City kaga horreeyaan kharashaadka saafiga ah shantii sano ee la soo dhaafay.

“Waxaan dareemayaa murugo yar, xitaa xanaaq,” ayuu Guardiola u sheegay warbaahinta.

“Shantii sano ee la soo dhaafay, dhanka kharashaadka saafiga, waxaan nahay kooxda toddobaad ee Premier League. Runtii waxaan rabaa inaan noqdo kan koowaad.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Waan ku guuleysanay waqtiyadii hore sababtoo ah wax baan qarashgareynay, balse hadda lix kooxood ayaa khasab ku ah inay ku guuleystaan Premier League, Champions League iyo FA Cup, sababtoo ah iyaga ayaa naga kharash badnaa shantii sano ee la soo dhaafay.”

Guardiola ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay:

“Tani waa xaqiiqo, ma aha aragti.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -