Hadda waxa ka socdo Jowhar doorasho miyaa mise WAA RIWAAYAD wuxuu leeyahay Cali Guudlaawe Barlamanka Hirshabeele ayaan ka codsanayaa in ay codkooda I siiyaan dhanka kale xaqiiqo ahaan ayuu u ogyahay Cali Guudlaawe in uusan u baahneeyn in ay codsiiyaan xubnahaan Barlamanka lagu sheegay oo uu soo qortay Farmaajo oo markii horaba loo qoray in ay u sacbiyaan Cali Guudlaawe laakiin RIWAAYAD AYUU DHIGAYAA CALI GUUDLAAWE.

Dalkeenna Riwaadda Doorasho lagu sheegay oo Barri ka dhici Doonto Jowhar oo la’sii ogyahay in uu Cali Guudlaawe noqonayo madaxweynah Hirshabeele halka uu Madaxweyne ku xigeeyn noqonayo Dabageed taas oo kale horay ayeey uga dhacday Dalkeenna.

Waa wada ogeeyn xiligii Ragiimkii sanduuqyo ayaa meel la’dhigi jiray dad badan ayaa xataa qaar Baabuur lagu soo qaadi Jiray waxaa lagu sheegi jiray maanta waa cod bixin waliba taas Digteeytarkii qof la’tartami jiray ma’jirin maanta Cali Guudlaawe iyo Dabageed waxayba si been ah u keensadeen laba qof oo MAXIIS U NOQDO maxaa yeelay kuwa tartamayo laguma sheegi karo.

Doorasho ku sheegaas markii ay shacabka soomaaliyeed la’yaabeen ayeey dhaheen (Ninka dooran doorta xoow dhahdeen Annakane noo dambaajiseen) macnuhu waxaa weeye ninkaan waaba iska dooran yahay ee maxaad u leedihiin halla Doonto tankale Annaka maxaad been nooga sheegsiiseen maxaa yeelay saakay waxaan ehelkeenna u sheegnay in aan aadi doonno Doorasho Taas oo BEEN AHEEYD.

Waxaa nasiib darro iyo Qarankii soomaliyeed oo markale la’waayo ka dhigan in maanta soomaliya ay wada JILAAN WAX DOORASHO LAGU SHEEGAY LAAKIIN RIWAAD AH.

Maanta oo aduunku heer Casri ah Gaaray haddii aan madaxdeenna si xalaal ah u dooran weeynay oo waliba aan Doorasho ku sheeg RIWAAD AH DHIGEEYNNO oo ay soomali oo dhan ogtahay Cali Guudlaawe iyo Dabageed in ay Barri bariisadii noqon doonaan Madaxweyne Hirshabeele iyo ku xigeeynkiisa aan intaan oo RIWAAD AH U DHIGEEYNO GOORMAAN QARANKEENNA KA DHIGEEYNAA MID QABSADO DOORASHO XOR IYO XALAAL AH OO CAALAMKA LA’JAAN QAADO?

Markii uu shirkii Dhusamareeb socday oo ay Puntland iyo Jubbaland shirkii Dhusamareeb diideen: Aniga waxaan dhowr Jeer qoray waxaa leeysku hayaa: Farmaajo oo rabo in uu dalka ka qabto Doorasho ku sheeg RIWAAYAD AH OO QOF MADADA NOQONAYO LA’SII OGYAHAY oo la’mid ah wixii Doorasho lagu sheegay oo Galmudug iyo koofur Galbeed uu Farmaajo ka qabtay iyo Puntland oo dooneeyso in dalka laga qabto Doorasho xor iyo xalaal ah oo aan qofka madax noqonayo la’sii ogeeyn oo la’mid ah doorashadii Puntland ee ugu dambeeysay.

Hadda Farmaajo wuxuu rabaa sidii uu u soo qortay Barlamanka Hirshabeele in uu u soo qorto Barlamanka Qaranka Isla markaane uu sameeyo wax Doorasho lagu sheegay oo la’mid ah DHEEL DHEELKA IYO RIWAAYADDA Hirshabeele ka socoto hadda oo haddane Booska Cali Guudlaawe uu Farmaajo Galo oo ayadoo sida Cali Guudlaawe loo ogyahay in uu Barri noqon doono Madaxweynha Hirshabeele sidoo kale Farmaajo ayadoo la’ogyahay in uu Madaxweynaha soomaliya Noqonayo la’qabto RIWAAYAD MAGACEEDA LAGU SHEEGAY DOORASHO.

 

Hadda saas in uu Farmaajo Dalkii soomaliya ugu dheel dheelo miyeey TALADII SOOMALIYA KU SOO IDLAATAY? Wallee dal dadkii la’haa ay Duminayaan ayaan waligiis xal loo helin.

Mahadsanidiin.

Barre Shukri Elmi

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here