Saraakiil kala duwan ayaa dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen dagaalkii maanta ka dhacay degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud waxaana ay kala yihiin

Laba Xidigle Aadan ibraahim Aadan oo ah Taliyaha Horinta 3aad ee Ururkaas 5aad ee GorGor ayaa la sheegay in dagaalka Guirceel uu ku dhintay.

Taliyaha Ciidanka DANAB ee Galmudug Abdiladiif Fayfle ayaa ku dhintay dagaalkii maanta degmada Guriceel ka dhacay

Saraakiisha dhaawacmay waxaa ka mid ah Taliyaha ciidamada Haramcad ee Galmudug iyo Sarkaal lagu Magacaabo qasaaye isna uu dhaawac culus ka soo gaaray dagaalkaas

G/Le Maxamed Dhagaweyne Taliyaha Ururka 5aad Ee komandooska Gorgor ayaa isna dhaawacmay

Wararka ayaa intaa ku daraya in askarta iyo Saraakiisha dhaawaca ah ay kor u dhaafayaan 20 ruux.

Waxaa xusid mudan in diyaarad ay saaran yihiin dhaawaca saraakiisha ciidamada ay gordhow ka soo baxay Dhuusamreeb iyadoo ku soo jeeda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here