Qeybtii 2aad

Wuxuu xilka la wareegay iyadoo Khasnadda Dowladda Federaalka ay maran tahay, kaaga sii darane waxaa dowladda lagu lahaa Deyn gudaha ah oo ku dhow 100 milyan Dollar oo ay galeen dowladihii isaga danbeeyay dalka; waxaa sidoo kale jiray shaqaale dowladeed, xildhibaanno iyo ciidamado ay ka maqan tahay xuquuq Mushaar muddo bilooyin ah.

Goobtii uu Xasan Cali Kheyre ku saxiixay xil wareejinta 2-dii Maarso 2017 ayaa xaqiiqadani kasoo shaac baxday, markii Ra’iisal wasaarihii xilka wareejinayay ee Cumar C/rashiid la weydiiyey xaaladda Khasnadda Dowladda.. (-).

Wuxuu la kowsaday xaaladdaas adag oo dalku ku sugnaa dhinaca dhaqaalaha. Waxaa aad u yaraa Dakhliga dowladda soo gala, balse dhaqaalaha dowladda ayaa ahaa mid lagu takri falo.
Tusaale ahaan Dakhliga dowladda soo gala horaantii sanadkii 2017kii waxaa qaadi jiray oo dakhliga magaca dowladda ku ururin jiray ilaa 21 Wasaaradood iyo 7 shirkadood oo gaar loo leeyahay, kuwaas oo heshiisyo gaara kula jiray dowladda oo ay ku helayaan lacagaha ay qaadaan saami dhan 49% ilaa 55%.

Saddexdii bilood ee ugu horeysay isla markii uu xilka qabtay Ra’iisal wasaare Kheyre wuxuu qaatay laba go’aan oo adag, waxa uu ku howlgalay kordhinta Dakhliga dowladda soo gala, dhinaca kalena wuxuu dagaal aan afka ahayn ku qaaday musuqmaasuqii baahsanaa ee ka taagnaa nidaamka dakhli ururinta dowladda.

Dagaalkaasi adag wuxuu ka hor imaanayey dano ay lahaayeen dad kala duwan oo qaarkood awood lahaayeen, laakiin wuxuu Xasan Kheyre halganka ka bilaabay xafiiskiisa, isagoo joojiyey lacagihii tageerada dowlaadda ee lasoo marsiin jiray ‘shaqsiyaad gaara’. Wuxuu amray in wixii kharash ah lagu shubo Bankiga Dhexe ee Dowladda.

April 2017 wuxuu Xasan Kheyre Wareegto ku joojiyey Canshuur-dhaafkii sida khaldan looga faa’iideysan jiray ee loo sameyn jiray ganacsatada iyo Dad gaara oo dalka keena Badeecadaha kala duwan.

– Waxay xukuumaddu jebisay, kana baxday dhammaan heshiiyadii lacag ururinta dowladda ee 17 shirkadood oo dowladda heshiis, kula jirtay, iyadoo loo wareejiyay Wasaaradaha dowladda inay la wareegaan shaqadaasi.

-Waxaa kaloo 21 wasaaradood laga joojiyey inay toos u qaadaan lacagaha iyo khidmooyinka, iyagoo lagu amray inay kharashka u wareejiyeen wasaaradda Maaliyadda.

Kheyre wuxuu amar ku bixiyay in la soo xiro qofkii ama mas’uulkii lagu qabto ‘Musuq’, isla markaana aan laga daba imaan karin.

Waxaa bilowday isla xisaabtan, kormeer joogto ah iyo shaqo adag oo sanad gudihiisa mira-dhal ku noqotay, waxaana sare u kacay dakhliga dowladda.

Natiijadii shaqadaas adag waxay noqotay mid la wada qiray, sababtoo ah waxay xukuumaddii Kheyre xilka qabatay iyadoo miisaaniyadda dalka ay tahay 168 Milyan oo Dollar, wuxuuna kheyre xilka ka degay iyadoo Miisaaniyadda dowladda ee 2020 ay gaartay 646.9 Milyan oo Dollar.

Arrimaha xusidda mudan waxaa ka mida in la kordhiyey Kharashka dowladda ku bixiso Adeegga bulshada oo 2017 ahaa $8.3 Milyan Dollar, waxaana 2020 la gaarsiiyey lacag gaareysa $64.5 Milyan.

Waxaa bilaabtay in dunidu la macaamisho Hay’adaha Maaliyadda dowladda Federaalka, si toos ahna taageerada dhaqaale loogu shubo Bankiga Dhexe, waxayna Soomaaliya qeyb ka noqotay mashruuca IMF ee ‘Special Drawing Rights’ oo Soomaaliya ka heleyso sanadaha soo socda lacag boqolaal milyan oo Dollar ah.

Xasan Cali Kheyre wuxuu dalka soo gaarsiiyey heer Soomaaliya noqotay dal tusaale ahaan loogu soo qaato horumarka uu ka sameeyay deyn cafinta iyo fulinta shuruudaha Hay’adaha Dunida u dhigeen dalalka qaameysan.

Wuxuu muujiyey hoggaan karti leh oo ay ka go’an tahay shaqo iyo ka guul gaarista howlaha Qaran, wuxuuna mudan yahay in la siiyo fursada uu dalka ku hoggaamiyo.

Ugu dambeyn Kheyre Xabiibul Malaayiin ma aha in Xukunka Dalka u raadinaya inuu ku daneysto balse waa shakhsi xig ogaal u ah halka laga dhayi karo dowladnimada Soomaaliya wuxuuna soo galay heshiisyo Caalami oo la’aantiis aaney fulin karin cid kastoo dalka hanata waayo waxa uu yaqaan sida loola macaamilo diwladaha horey u maray asagoo qorshihiisa koowaad uu yahay la dagaalanka Saboolnimada Iyo jahliga.

ABWAAN Musdaf Cali Kulalihi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here