Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho ku casuumay  Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan, kaddib kulan ay la yeetay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadda casuumaada ee Hoggaamiyaha dalka Tanzania ugu dhiibay Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dalkaas uga qeyb galaya shirka madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika oo ka dhacaya magaalada Daarusalaam.

Advertisement

Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa casuumaadda uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aqbashaday, iyada oo sheegtay in Magaalada Muqdisho booqasho ku imaan doonta.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sheegtay booqashadaan ay ku imaan doonta Magaalada Muqdisho Madaweynaha Tanzania in ay tahay bilowga isdhaafsiga booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaafsan doonaan madaxda labada dal.

Lama shaacin goorta iyo xilliga ay Muqdisho soo booqan doonta Haweeneyda Hoggaamisa dalka Tanzania, walow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku jooga dalka Talyaaniga.

Previous articleKaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka oo Muqdisho soo gaaray
Next articleMADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHAQA JOOJIN KU SAMEEYAY TALIYIHII CIIDANKA DARAAWIISHTA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here