Goldie Brar waa burcad baxsad ah kaas oo magaciisa lagu bartay dilkii heesaagii reer Punjab Sidhu Moosewala, waxa uu sheegay in jilaaga caanka ah ee Bollywood Salman Khan uu ku jiro liiska dadka uu doonayo inuu dilo, uuna ka dhabeynayo dilkiisa.
Goldie Brar waxa uu ku nool yahay dalka Canada. Wareysi uu siiyay telefishinka India Today ayuuna hanjabaaddiisa soo mariyay.
Salman Khan oo ka mid ah jilayaasha ugu saameynta badan, ugu caansan, looguna jecel yahay dalka India ayaa hore booliska ugu gudubiyay cabasho ah in loo soo diray email hanjabaad dil ah oo ka yimid Goldie Brar taas oo keentay in booliska ay xoojiyaan ammaankiisa.
Sida laga soo xigtay booliska Punjab Goldie Brar iyo Lawrence Bishnoi oo isna burcad kale ah ayaa sheegay inay dilka ka dambeyeen iyagoo soo dhigay baraha bulshada qirashadooda. Goldier waxaa lagu tirayaa inuu ka tirsan yahay kooxda burcadda ah ee loo yaqaan Bishnoi.
Mar la weydiiyay xog ku saabsan weerarka uu ku qaadayo Salman Khan, waxa uu ku jawaabay in cid kasta oo cadawgiisa ah inuusan cafineyn. Sida laga soo xigtay waregyska India Today wuxuu yiri, “waan dileynaa, waana ka dhabeyneynaa dilkooda”.

XIGASHADA SAWIRKA,HINDUSTAN TIMES VIA GETTY IMAGES
Wuxuu intaa ku daray, ‘Sida aan hore u sheegnay ma ahan oo kaliya Salman Khan. Inta aan noolnahay waan wadeynaa, dagaal ayaan kula jirnaa cadawgeena. Salman Khan waa bartilmaameedkeena, waan isku dayeynaa, waadna arki doontaa markaan sameyno’.
Mar la weydiyay inuu saddax jeer u diray wiilal soo dila Salman Khan, wuxu ku jawaabay inuu isku dayayo sidii uu cadwogiisa ku baabi’n lahaa.
Maxaa ku qornaa Email-ka loo diray Salman Khan
Salman Khan saaxiibkii Prashant Ganjalkar ayaa sheegay in Goldie Brar uu doonayay inuu la hadlo Salman Khan. Wareysigii Lawrence Bishnoi ayaana taas laga dareemayay.
Sida laga soo xigtay warbaahinta India, emailkan wuxuu u qornan sidan. “Goldie Brar wuxuu doonayaa inuu la hadlo Salman Khan. Wuu arkay wareysigii Bishnoi ayaan filayaa, hadii uusan arag ha daawado. Hadii uu doonayo in arinka la dhameeyo, u sheeg inuu la hadlo Goldier Brar. Hadii uu doonayo wadahadal fool ka fool ahna noo soo sheeg. Hadda goor hore ayaan idin soo gaarsiinay fariinta. Naxdin ayaa xigi doonta”.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Waa kuma Goldie Brar
Magaca dhabata ah ee Goldie Brar waa Satyendrajit Singh, wuxuuna degnaa gobolka Punjab. Sida in badan oo gobolkaas ka timaada, waxa uu doonayay inuu ku noolaado Canada. 15kii bishii Agost ayuu tagay Canada. Ilo rasmi ah ayaa sheegaya inuu ku galay Canada dalkuggal ardaynimo.
Sanadkii hore ayey booliska Punjab soo saaraan qoraal ay ku sheegayaan in Goldie Brar uu ku nool yahay magaalada Brampton ee Canada, uuna yahay xubin firfircoon oo ka tirsan kooxda burcadda Lawrence Bishnoi.
Kiiska ugu waqtiga dheer ee boolisku hayaan ee isaga ka dhan ah waa mid la diwaan geliyay sanadkii 2012kii.
India Today waxay sheegtay inay kooxdu ka kooban tahay 700 oo xubnood. Kooxda waxay isugu jiraan kuwa shiishka ku xeel dheer oo dadka toogta iyo kuwa kale oo dadka dila.
Waxayna ka jiraan dhowr gobol oo ay ka mid yihiin Punjab, Haryana, Delhi, Rajasthan iyo Himachal.
Kooxda hoggaamiyahooda waa Lawrence Bishnoi oo 31 jir ah, wuxuuna cilmiga sharciga ka bartay jaamacadda Punjab.
Xiligii uu ardayga ahaa ayuu dambiyo badan galay. Goldie Brar waxay is barteen ardaynimadooda sanadkii 2009-kii.
W/Q: Bbc Somali