Sida aad la socotaan waxaa jira warar hoose oo sheegeysa in wakhtiyada soo socota lagu dhawaaqi doono,gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir islamarkaana siyaasiyiin dhowr ah ay wada raadinayaan.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in madaxweyne xasan sheekh uu soo gaba gabeeyey wadatashiyadii uu sameenayey,waxaana jira dad la saadaalinayey oo daadka uu qaaday.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa ka mid ahaa shakhiyaadka sida weyn uraadinayey jagadaasi balse waa uu ku hungoobay sida xogaha aan ku ogaanay.

Sidoo kale waxaa lasoo warinayaa in genral Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa laga reebay liiska kadib markii wadatashiyada la sameenayey aysan xubnaha qaar xisbiga UPD aysan isku raacin magacaabidiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa umagacaabi doona Gudoomiyaha Cusub Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hore xilkaan usoo qabtay.

In la magacaabo gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaanan sahlaneynin Si kale marka loo dhigo inay wada shaqeynta iyo saaxiibo Madaale iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxa hadana ay wadaagaan xigaalnimo oo seedi ayuu uyahay Xasan Sheekh siyaasigaan Madaale ah.

Maalmihi lasoo dhaafay ayaa Guux weyn durba jira oo ku aadan in hab qeybsiga beelaha ah oo ay diidan yihiin qeybtood inay heli waayeen hogaaminta maamulka gobolka banaadir,islamarkaana ay cabasho ka wadaan magacaabida madaale.

Sikastaba ha ahaate Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor inta uusan soo saarin xil magacaabistaasi waxa uu ku dedaali doonaa inuu qanciyo odayaasha beelaha qaar sida beesha degta Warsheekh oo xil ka qabashada markaan iyaga ay ku doodayaan in xaq ulahaayeen,waana beesha uu kasoo jeedo General Xasan Muun-gaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here