Shariif Maxamed Cabdalla wuxuu leeyahay khibrad ballaaran oo ku saabsan hay’adaha muhiimka u ah dalka ee ay kow yahay golaha shacabku.

Barlamaanka Soomaaliya wuxuu soo galay 2000 markii dib loo aasaasay dowlad Soomaaliya burburkii kaddib. Ilaa waqtiganaa wuxuu ahaa oday xogogaal u ah arrimaha dhismaha dowladda Soomaaliyeed si gaar ah barlamaanka.

Wuxuu fahan fiican ka haystaa caqabadaha sharci, iyo siyaasadeed iyo dhismo ee maanta hortagaan golaha shacabka. Sidoo kale, wuxuu xoogga saari doonaa sidii sharafta iyo haybadda golaha shacabka loo ilaalin lahaa maadaama uu yahay unagga koobaad ee matala dowladnimada iyo shacabka soomaaliyeed.

Isku haynta xooggagga kala duwan ee golaha shacabka iyo ilaalinta xasiloonida golaha shacabka ayaa sidoo kale u ah arrimaha leh hortabinta. Intaas waxaa dheer, horumarinta aqoonta iyo khibrada xubnaha golaha shacabka ayaga oo loo samaynayo tababbaro ku saasbsan ballaarinta waaya aragnimadood( capacity building programs)
Shariif Cabddalla wuxuu si qoto dheer u aamminsanyahay sarraynta sharciga, ixtiraamka xuquuqada dastuuriga ah ee muwaadiniinta, saxaafadda, iyo bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, wuxuu xoogga saari doonnaa sidii dastuurka looga saari lahaa ku meelgaarnimada si shacabka iyo dowaladda Soomaaliyeedba u helaan dastuur rasmi ah.

Shariif Cabdalla ka hor inta uusan soo galin barlamaanka wuxuu ka shaqeeyay arrimaha waxbarashada, binaadanimada iyo bulshada rayidka ahaba.

Wuxuu qayb lixaad leh ka qaatay hanaqaadka waxbarashadii biliaabatay kaddib burburkii dalka. Waxaana hadda dalka jooga kumaan aqoonyahan oo uu qayb ka ahaa samaysankooda.

Wuxuu muddo dheer wakiil u ahaa bisha cas oo arrimo gargaar ah oo muhiim ah ka hirgalisay dalkeenna.

Dadka yaqaanna Shariif Cabdulla waxay isku raaacsanyihin in uu yahay qof leh damiir wanaagsan iyo shaqsiyada wanaagsan. Marna kama suurtagasho in uu meel ka dhac ku sameeyo dastuurka dalka iyo danta dalka.

Haddaba, maadaama uu yahay shariif Cabdalla nin leh waaya argnimo, damiir fiican isla markaana aamminsanyahay dhismaha golaha shacabka, waxaa habboon in xildhibaannada golaha shacabku u doortaan shariif Cabdulla guddoonka golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here