MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa daboolka ka qaaday in Dowlada Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xasan uu reer gooni ah bartilmaameedsanayo.
C/raxmaan C/shukuur oo ka hadlayay xildhibaanada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Puntland shalay iyo maantaba Dowladu ka hor istaagtay inay Garowe u safraan ayaa u muuqda inuu ka wado reer Puntland reerka Dowladu beegsaneyso.
“Madaxweyne Xasan wuxuu ku faani jirey inuu Madaxweynihii ka horeeyay kaga wanaagsan yahay inuusan siyaasiyiinta safarada ka hor istaagin laakiin maanta taas waa ka burburtay”ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/ Shukuur
Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka C/raxmaan C/shukuur
