Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, kaddib baaris uu sameeyay Xafiiska Hantidhawraha guud ee Qaranka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Xafiiskiisa uu maxkamadda Gobolka Benaadir uu u gudbiyay eedeesanayaashaan, kuwaas oo uu sheegay in lagu eedeeyay; Musuqmaasuq, been abuur Document, lunsasho hanti dawladeed, ka faa’iideyso xafiis dowladeed iyo dayacaan iyo gudasho la’aanta wajibaad saarnaa.

Advertisement

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in eedeesanayaashaan ay ka kooban yihiin 18 shaqsi, kuwaas oo 9 ka mid ah ay dalka joogaan halka 9 kale ay baxsadeen.

Liiska xubnaha eedeysanayaasha ee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka u gudbiyay dacwadooda Maxkamadda Gobolka Banaadir ee xiran:-

  1. Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada ee XFS. Xilka agaasimaha loo magacaabay 06-08-2020-ka.
  2. Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada, xilka hayay inta u dhaxeeyay, 2015 – 2020-ka
  3. Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
  4. Cumar Macallin Cali Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
  5. Saabir Xasan Cabdi Nuur, Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
  6. Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
  7. Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga ee garoonka Aadan Cadde.
  8. Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) ahna Khasnajiga qaybta Ajaaniibta ee Bankiga dowladda dhexe.
  9. Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

Liiska xubnaha eedeysanayaasha ee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka u gudbiyay dacwadooda Maxkamadda Gobolka Banaadir ee baxsadka ah:-

  1. Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
  2. Cabdullaahi Daahir Weheliye, ahna Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde ee Bankiga dhexe.
  3. Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim, shaqaale ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.
  4. Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey), Agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee Wasaaradda maaliyadda.
  5. Maxamed Idiris Axmed ahna madaxa qeybta canshuuraha dadban.
  6. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ahna agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha
  7. Cabdiqaadir Cilmi Cali, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha
  8. Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle shaqaale ka tirsan ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha
  9. Abubakar Xasan Aadan, shaqaale ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Previous articleGolaha Wasiirada oo ka shiray Wajiga labaad ee dagaalka ka danka ah Al-Shabaab
Next articleWasiirka Arimaha Dibadda Somaliya maxoow ka yiri Iscasiladiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here