XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Inter Milan iyo xulka Argentina, Lautaro Martínez, ayaa si cad u sheegay in riyadiisu tahay inuu ku guuleysto Ballon d’Or, kaddib markii uu sanadkii hore ku dhammeystay kaalinta toddobaad.
Martínez ayaa sheegay inuu filayay inuu boos ka sarreeya galo tartanka 2024 maadaama uu ahaa hogaamiyaha goolasha Serie A, sidoo kale uu xulkiisa Argentina ku hoggaamiyay Copa América isagoo shan gool dhaliyay, isla markaana ku guuleystay Supercoppa Italiana isagoo goolal dhaliyay semi-finalka iyo finalka.
“Haa, waxaan filayaa inaan kor uga kaco booskaas, laakiin waxaan ixtiraamayaa go’aanka garsoorayaasha. Anigu waxaan ahay qof aan waligiis qarin dareenkiisa. Hadafkaygu waa inaan muujiyo waxa ugu fiican xilli walba. Waxaan riyo weyn ka leeyahay inaan mar uun qaado Ballon d’Or, waa abaalmarin weyn oo qiimo leh,” ayuu yiri.
Markii la weydiiyay hadalkii Lionel Messi ee ahaa inuu isaga ku guuleysan lahaa abaalmarinta halkii uu Rodri ka qaadan lahaa, Lautaro wuxuu ku jawaabay:
“Ma garanayo. Abaalmarinta shakhsi ahaaneed waa muhiim, laakiin kooxda ayaa ka muhiimsan. Guusha kooxda ayaa noo sahasha inaan halkaan joogno.”
XIGASHO LAACIB.NET
