Shirka uu madaxaweyne Xassan Sheekh shalay ka furay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa, ee dalka lagu qabto, waxaana laga filayaa natiijooyin qeyb ka noqdo xal u helista caqabadaha dowlad dhiska Soomaaliya.

Shirkaan oo ay ka qeybgelayaan madaxweyneyaal hore oo dalka soo hoggaamiyay, Reysalwasaarayaal hore iyo gudoomiyeyaal baarlamaan oo hore ayaa waxa ku baaqay madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana inta la ogyahay ilaa iyo hadda ka cudurdaartay ka soo qeybgalka shiRkan, madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sidoo kale waxaa ka maqan madaxweyne hore Cabdiqasim Salaad Xassan iyo reysalwasaarayaal hore oo uu ka mid yahay Cabdi Farax Shirdoon.

Advertisement

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn ajendaha shirka, hadana waxaa xogta aanu helnay ay sheegeysaa in inta badan diiradda lagu saari doono qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashaga qaran ee ay madaxda federaalka iyo kuwa dowladgoboleedyadu ku yeesheen magaalada Muqdisho, si gaar ah ayaa la filayaa in laga hadlo arrimaha doorashada, xisbiyada iyo muddo u kordhinta heyadaha dowladda, taas oo salka ku heysa dibu eegista dastuurka. Sidoo kale waxaa laga yaabaa in laga hadlo arrinka dib uxoreynta dhulalka aysan dowladdu ka talin iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha khilaafaadka hadda taagan ee ay ugu weyntahay midda Puntland iyo gobollada Hiiraan iyo Gedo.

Shacabka ayaa filasho xooggan ka qaba shirkan maadaama uu yahay kii noociisa ugu horreeyay, waxaana dad badani sugayaan aragtida madaxda mucaaradku ee ku aaddan arrinka labada xisbi iyo muddo u kordhinta hey’adaha dowladda. Tiiyoo aan ognahay in qaar ka mid ah madaxda hadda shirka joogtaahi ay diideen qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee lagu iclaamiyay in dalku labo xisbi yeelan doono.

Wasiirka warfaafinta DFS Daa’uud Aweyn oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaani qeyb ka yahay shirar wadatashi lagula sameynayo dhamaan qeybaha kala duwna ee bulshada, wadatashiyadaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha Siyaasadda, doorashooyinka, amaanka iyo dhamaan xaaladaha dalka ka jira.

Previous articleRW Xamse oo xalay la kulmay Ra’iisul Wasaarayaal hore
Next articleAl shabaab oo go’doon gelisay magaalo uu ku nool yahay madaxweyne maamul Goboleed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here