Dowladda Kenya ayaa ka baxday kiiska dacawadda badda ee kala dhaxeeyay dawlada Soomaaliya, ayadoo waliba la filayey in maanta oo ku aadan 15ka marso, lana filayay in  dhageysigiisa ka billowdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay maxkamadda kuna wargelisay inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda, kadib markii hore ay maxkamadda u diiday codsiga Kenya ee ahaa in dib loo dhigo.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in maxkamadda uu u diray codsi ah in isaga loo ogolaado in 30 daqiiqo uu warbixin siiyo garsoorayaasha maxkamadda kahor inta aysan bilaaban dhageysiga dacwadda, balse maxkamaddu ayuu ku eedeeyey in wali aysan kasoo jawaabin codsigiisa.

Sababaabaha ay sheegtatay in ay ku diiday ka qabgalka dacwadda waxaa ka mid ah:

In habka dacwada loo qaadayo uu yahay mid qald ah oo waxay yirahdeen dacwad noocan oo kale

In ay Maxkamaddu go’aansato in ay Ikhtisaas u leedahay ka garnaqista dacwadda hortaallo.

Ikhisaaska Maxkamadda iyo awoodeeda ka garnaqista horay ayaa Maxkamaddu Go,aan uga gaartay, Maxkamaddu waxay caddaysay in ay awood u leedahay ka garnaqista dacwadda.

In aan la siin fursad ay isku difaacdo, hase ahaatee waxa wada ognahay in illaa afar jeer oo hore ay cod sadeen dib u dhig, Maxkamadduna way aqbashay codsigaa, Dhowr sano kadib see maangal ku ku noqoneysaa in mar shanaad kiiska dib loo dhigo.

Goaanka Maxkamadda uga yaala Labada dhinac haduu mid ka mida ka noqdo ama ka tanazulo xuquuqdisa ama uu is difaaci waayo:

Madaama dacwadaha madaniga inta badan looga hadlo xuquuq, dhinacyada waxaa u bannaan inaysan ka qayb galin oo uu difaaca ka tanaazulo, xaq ayayna u yeelanayaa dhinacyada arinkaa.

Qodobka 53(1) ee Xeerka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa qaba “ markii mid ka mid ah dhinacyada dacwada ka dhaxayso uuna soo xaadirin maxkamadda, ama uu ku guuldarraysto in uu difaacdo kiiska, dhinaca kale waxa uu Maxkamadda ka codsan karaa in ay kiiska u xukunto, Marka la helo laba shardi:

Dhinaca kale ee  jooga Maxkamadda waa in ay codsadaan in dacwaddu socoto go’aanna laga soo saaro.

In ay maxkamadu go’aansato in ikhtisaas u lee dahay kiiska, Awoodaana Maxkamaddu waa leedahay oo ay go’aan ku soo saarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here