In ka badan 5  qof ayaa ku geeryoodey, tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool .

Dagaalka ayaa  bilaawday ka dib murun soo kala dhex galay Askar ka Tirsan Ciidanka Dawlada Federaalka  ee  ku sugan degmadaas .

Advertisement

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya Xaaladda degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ay  maanta degan tayahy balse , waxa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga soo sheegayo  xadka uu gobolka Bakool  la  wadaago Itoobiya.

Dagaalka shalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa ku soo aadaya xilli maalmo ka hor  uu Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dawlad goboleedka KGS uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka Tirsan Xoogga dalka iyo Daraawiishta Koofur Galbeed kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Previous articleCiyaaryahanka Real Madrid oo laga yaabaa inuu ka tago qeyb ka mid ah heshiiska Kylian Mbappe
Next articleWafdi maanta ku wajahan Magaalada Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here