Advertisement
Home Warkii Waa sidee Xaalada Magaalada Garowe

Waa sidee Xaalada Magaalada Garowe

Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal  ayaa sheegaya in Xaalada Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ay degan tahay, balse  dhaqdhaaqyo Ciidan halkaas ay ka jiraan .

Ciidamo ka Tirsan maamulka Puntland ayaa saakay lagu arkay Xaafadaha Magaalada Garowe kuwaas oo Hawlgallo  Amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay.

Advertisement

Sidoo kale’  wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Nucaaradka Puntland ee uu Hogaamiyo Jeneraal Jimcaale Takar iyana ay Dhaqdhaaqyo kaa bilaabeen duleedka Magaalada Garowe.

Arintaan ayaa u muuqata mid keeni karta  in Ciidamada Puntlaand iyo Mucaaradka ka soo horjeeda markale ay ku dagaalamaan Magaalada Garowe,  balse Isimada Dhaqanka Puntland ayaa wada dadaalo looga hortagayo dagaal mar kale ka dhacay Magaaladaas.

Dagaalkii doraad ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 ruux halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah , waxana xog aay heshay warbaahinta Risaala ay sheegeeysaa in Ciidamada Mucaradka Puntland dagaalkaas looga dilay 16 Askari 3 Gaadiid oo kuwa dagaalka ahna looga qabsaday.

 

Previous articleHay’adda Nisa oo ka war bixisay Hawlgal lagu dily Xubno ka Tirsan Alshabaab
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Difaaca Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here