Wararka naga  soo gaaraya gobolka shabeelada Hoose ayaa sheegaya in xaalada Magaalada Baraawe ay saaka degan tahay ka dib  dagaal culus oo bilowday shalay galab, soona gaaray xalay uu ka dhacay degmada Baraawe oo gobolka Shabeellada.

Inta la Xaqiijiyay  10 ruux ayaa ku geeriyootay  daagaalkan ka dhacay degmada Baraawe tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Advertisement

Dagaalka ayaa u dhaxeey ciidan ka tirsan Xoogga dalka oo fariisin ku leh gudaha magaalada Baraawe iyo ciidanka daraawiishta koonfur Galbeed ee magaaladaas jooga.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ay ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed la sheegay in ay dileen askari magaciisa lagu soo koobay Suusac oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya sida ay warbahinta Shabakadda dayniile u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan Magaalada Baraawe.

Gudoomiyaha Gobolka shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa kaa tacsiyadeeyay  khasaarihii ka dhashaydgaalkii ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka shaabeelaada Hoose.

Gudoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleesteen xabad joojin ay kala dhex dhigeen labada dhinac  ayna baarayaan waxaa sababay dagaalka.

Previous articleAl-shabaab oo 5 ruux ku toogatay fagaare ku yaala degmada Tiyegloow ee gobolka Bakool
Next articleKoox Hubeysan oo Nin dhalin yaro ah dil ugu geystay degmada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here