Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa isku hor fadhiya Ciidanka Dowladda Federaalka & Daraawiishta DG Galmudug oo dhinac ah & Xoogagga Ahlu sunna ee ka amar qaata Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Dagaalka ayaa istaagay iyada oo aysan jirin cid kala dhex gashay dhinacyada dagaalamay, balse waxa ay isku hor fadhiyaan goobihii ugu dambeeyay ay kala joogeen markii xabadda joogsaneysay sida Shabakadda Dayniile ay u xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.

Xalay Guriceel waxaa lagu aasay dhowr ruux oo ku dhintay dagaalladii saacadaha ka socda Degmada, Goobaha Caafimaadka ayaa loo gudbiyay Askar & Dad rayid ah oo ku dhaawacmay dagaalka.

Qof kamid ah Dadka Degmada Guriceel ayaa Mustaqbal u sheegay in cabsi xooggan ay ka qabaan in markale dagaal uu dhexmaro labada ciidan ee is fadhiya maadaama aanay jirin waan-waan ama dedaal ugu yaraan xabad-joojin lagu kala dhex dhigayo.

“Degmada Guriceel waxaa xalay lagu aasay qaar kamid ah Dadkii ku dhintay Dagaalka oo ah Shacab iyo Askarta labada dhinac, meydadka ayaa laga soo qaaday goobihii dagaalka xooggiisa ay ka dhaceen” Sidaasi waxaa Mustaqbal u sheegay qof kamid ah Dadka Guriceel.

Dhaqdhaqaaqyo xooggan ayay wadaan labada ciidan ee is hor fadhiya, inta badan Dadkii koobnaa ee ku haray Degmada Guriceel ayaa xalay isaga baxay si markale aanay ugu dul dagaalamin Ciidamada ku hardamaya gacan ku heynta Magaaladaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here