XIGASHO LAACIB.NET
Wadahadalladii qandaraaska ee u dhexeeyay Real Madrid iyo Vinicius Junior ayaa si lama filaan ah u istaagay, sida ay sheegtay The Athletic.
Vinicius, oo haatan qaata €18m sanadkii (net), ayaa loo bandhigay qandaraas cusub oo gaadhaya €20m kadib canshuuraha, balse wuu diiday. Markii kooxda ay weydiisay soojeedin kale, wakiillada Vini ayaa la sheegay inay dalbadeen heshiis taariikhi ah oo aan abid ka dhicin Real Madrid.
Dalabkooda ayaa lagu qiyaasay inuu gaarayo €30m sanadkii, oo ay ku jiraan mushahar, gunnooyin bandhig iyo gunno saxiix cusub, qaab dhismeed la mid ah heshiisyadii uu Cristiano Ronaldo kula jiray xilligii ugu kacsanaa.
Real Madrid weli waxay rabtaa inay heshiiska cusboonaysiiso, balse farqiga dhaqaale ayaa weli aad u weyn.
Waxaa intaa dheer, waxaa la sheegay inuu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Vinicius iyo tababaraha Real Madrid Xabi Alonso, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Vinicius uu Madaxweynaha kooxda, Florentino Perez, u sheegay in magacaabistii Alonso ay si taban u saamaysay mustaqbalkiisa Bernabéu.
XIGASHO LAACIB.NET
