XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha ku-meel-gaarka ah ee Manchester United, Michael Carrick, ayaa ku ammaanay ciyaartoydiisa ruuxda iyo wadajirka, isagoo sheegay in ay tahay sababta ugu weyn ee ka dambeysa natiijooyinka wanaagsan ee dhawaanahan.
United ayaa guulo muhiim ah ka gaartay Manchester City, Arsenal, Fulham iyo Tottenham Hotspur, halka ay barbaro 1-1 ah la galeen West Ham United kulan ka dhacay London Stadium.
Carrick ayaa yiri:
“Ujeeddadu waa inaan isku xirnaano dhammaanteen, ciyaartoyda kusoo bilowda, kuwa keydka ah, shaqaalaha iyo taageerayaasha. Taasi waa waxa ka dhigaya kooxdan mid gaar ah.”
Isagoo tusaale u soo qaatay kulankii West Ham, Carrick wuxuu xusay dadaallada difaac ee Leny Yoro, orodka soo kabashada ee Bryan Mbeumo iyo Amad Diallo.
“Ruuxna kama yimaado gool daqiiqadaha ugu dambeeya, waa dhif iyo naadir. Waqtiyada adag waxaa looga gudbaa wadajir,” ayuu Carrick ku daray.
XIGASHO LAACIB.NET
