Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyey deegaano horleh

Wabiga Shabeelle ee mara deegaano katirsan Gobolada Hiiraan iyo labada Shabeelle ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyey degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Xaafadaha uu wabiga fatahaada ka geystay ayaa waxa kamid ah xaafadaha Indha-Ceel iyo Bag Abeeso,waxaana badi barakacay dadkii deganaa si ay uga badbaadaan khasaaraha ka dhalan kara.

Sidoo kale Fahataada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyey Buulo Burde ayaa waxaa uu jaray wadooyinka Bari ee Magaalada,isla markaana dadka qaarkood ay Magaalada ku go’doonsan yihiin.

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Buulo Burde ayaa waxaa ay sheegeen in ay isa soo tarayaan fatahaada uu sameynayo Wabiga Shabeelle,isla markaana ay macquul tahay in wadooyin badan oo kamid ah degmada Buulo Burde ay go’aan.

Si kastaba Wabiga Shabeelle ayaa horay waxaa uu fatahaad ka sameeyey deegaano ka tirsan degmooyinka,Baladweyne, Jowhar iyo Balcad, iyada oo dadkii deganaa deegaannada uu fatahaada ka sameeyey ay barakaceen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064