Iyadoo Maalmihii u danbeysay ay socotay saasaal laga bixinayay in dalka ay ka dhicio doonaan roobab iyo daadad ayaa waxa la soo sheegayaa in degmooyinka iyo deeegaanada qaar ay wabiyadu bilaabeen inay fatahaan.

Maxamed Xuseen Khaaasim oo ah Wasiir ku xigeenka Beeraha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in fatahada wabiyadu ay bilowdeen islamarkaana ay socdaan,wuxuu intaas ku daray in Magaalooyinka Mahadaay iyo Jowhar uu wabigu fatahay islamarkaan biyuhu ku socdaan xaafadaha la dagan yahay.

Advertisement

Wasiirkaan wuxuu tilmaamay in deegaanada buulfuule iyo Xawaadley sido kale  uu wabigu ku fatahay,gurmadkuna uu socdo.

Ma jirto wax dhimasho ah uu geystay fatahaada wabiga rabi hanaga hayee, dhibaatada hada jirta ayaa ah barakaca qoysaska iyo beerihii oo ku baaba’ay fatahaada wabiga.

Wasiir ku xigeenka Beeraha Hirshabelle Maxamed Xuseen Khaaasim wuxuu ka codsaday dhaman intii wax balan qaaday ama dowlad ama hay’ada intaba ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gurmadaan dadka wabigu ku fatahay.

“intii shacabku haysteen oo ay awoodeen marka la eego jawaanada waan dhignay oo dadaalku waa socdaa laakiin dadkii wax balan qaaday gurmadka degdeg ha uga qeybqaataan”ayuu  mar kale yiri Wasiir xigeenka beeraha Hirshabelle

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamada Dowlada iyo kuwa Atmis ah oo ugu danbey Alshabaab ka saaray juqda deegaanka Cali-fooldheere
Next articleCiidamada Dowlada iyo kuwa Koonfur-Galbeed oo Alshabaab ka saaray Tuulooyin hoos taga Degmada Qoryooleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here