HomeWarkiiWacawisleyda oo weerar qorsheysan ku dilay Saraakiil ka tirsan Alshabaab

Wacawisleyda oo weerar qorsheysan ku dilay Saraakiil ka tirsan Alshabaab

MAXAAS (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Macwisleyda Hiiraan ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Goobo oo hoos taga Degmada Maxaas halkaasoo ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in macawisleyda ay weerarkooda oo gaadma ahaa ku galeen gudaha deegaanka Goobo islamarkaana ay soo dileen ilaa 7 Alshabaab ka tirsanaa kuwaasoo saraakiil iyo dagaalamayaal isugu jira,sidoo kale waxay soo furteen 4 qorey iyo laba bistoolad, ma jirto war dhanka alshabaab ka soo baxay iyo mid madax banaan oo cadeynaya khasaaraha gaaray Alshabaab.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in macawisleyda reer Hiiraan ay dib ugu soo laabteen meelihii ay ka duulaan tageen kadib markii ay howlgalkaasi soo fuliyeen, ma jirto wax khasaare ah oo macawisleydu sheegteen.

Maaha markii ugu horeysay oo macawileyda Hiiraan weeraro gaadmo ah ku qaadaan Alshabaab, saraakiisha macawisleyda ayaa  marar badan waxay ku celceliyeen inay sii kordhin doonaan weeraradooda qorsheysan inta ay ka saarayaan meelaha ay dib u qabsadeen kooxda Alshsbaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -