HomeWarkiiWacyi geliyaha Ciidamada xooga oo sheegay in wadaniyadu qeyb ka taha diinta...

Wacyi geliyaha Ciidamada xooga oo sheegay in wadaniyadu qeyb ka taha diinta Islaamka 

No description available.Sheekh Maxamed Xasan Caadle oo ah Wacyi geliyaha Ciidamada Xooga Dalka ayaa asakar badan u jeediyay hadalo guubaabo u badnaa,sidoo kalana wuxuu aad ugu  dhiirigeliyay la dagaalanka Alshabaabna sida ay inay dalkodoa iyo dadkooda ka difaacaan.

Shiikh Maxamed Xasan Caadle wuxuu inta badan ku taag taagsaday ahmiyada ay leedahay in askarigu dalkiisa jeclaado, dadkiisa iyo dalkiisana ka difaco cadowga taasoo ajir badan iyo janaba inay ku helayaan uu ku adkeeyay xili uu axaadiis badan u soo daliishaday wacyigelintiisa askarta.

Wacyi geliyaha CXD somaliyeed wuxuu ciidamada u sheegay inay qeyb diinta ka mida ay tahay in askarigu dalkiisa jeclaado oo wadaniyad muujiyo sidoo kalana dhiigiisa u huro ,wuxuu soo daliishaday hadaladii Rasuulkeena Muxumed Salllaahu Caleysi Wasalam  uu ku muujin jirey sida uu u jeclaa magaalada Maka.

Saraakiisha ama hor joogayaasha hogaamisa Kooxda Alshabaab ayuu xusay inay iyagu reero leyihhiin islamarkaana caruur dhalayaan taas badalkeeda ay dhalinyarada qaraxto ku soo xirayaan oo ay leeyihiin orod dhimo.

“Soo dhimo ana waa dhalaa yaa laga dhaadhacsiin rabaa “ayuu yiri Sheekh Maxamed Xasan Caadle Wacyi geliyaha CXD Somaliyeed.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -