HomeWarkiiWada-hadalka dhex-maray Xasan Sheekh iyo Saciid Deni maxaa looga hadlay

Wada-hadalka dhex-maray Xasan Sheekh iyo Saciid Deni maxaa looga hadlay

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdillahi Deni ayaa kulan qaatay daqiiqado badan waxay ku yeesheen qadka Teelka kaasoo ay kaga wada hadleen sida aan xogta ku helnay aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland.
Warar ku dhaw dhaw kulankaasi ayaa tilmaamay in labada masuul isla garteen in si wada-jir ah loo wajaho xaalada dalku galay gaar ahaan xad-gudubka Israa’iil ku sameysay madax-banaanida,wada-jirka iyo qaranimada Somalia.
Xasan Deni waxay si wanaagsan isugu raaceen in si buuxda looga soo horjeesto damaca Israa’iil islamarkaana meelna la iska dhigo khilaafka gudaha ee dhanka siyaasada,madaama uu jiro xurgu dhankaasi ah oo u dhexeeya labadooda.
Dhanka kale waxaa jira kulan guud oo Dowladu qaban qaabineyso kaasoo si fool-ka-fool ah u dhexmari doona Dowlada iyo guud ahaan Maamul Goboleedyada dalka marka laga reebo Maamulka Somaliland oo ah maamulka sababay kulankaani markii Yuhuudu sheegtay inay Dowlad ahaan u aqoonsatay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -