MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Saraakiil uu hgaaminayo Madaxa wacyi-gelinta Ciidanka Dhulka Xidigle Taliye Sheekh Abuukar Macalin Maxamuud ayaa booqdeen shalay Dugsiga Tababarka ciidamada ee Jen,Dhaga-badan ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigaan waxaa xerada tababarka ku soo dhaweeyay Taliyaha Guutada 14-ka Okobar Taliye Nuur Fareey iyo boqolaalka ciidan ee tababarku u socdo.

Advertisement

Wadaadka Sheekh Abuukar oo caan ku ah inuu ciidamada u wacdiyo si diiniyan ah ayaa u sheegay ciidamada inay waajib ku tahay adeecida awaamiirta madaxdooda sida taliyayaashooda iyo kuwa ka sii sareeya sidoo kale wuxuu u sheegay inay waajib ku tahay inay ogaadaan oo la socdaan inay xaaraan tahay  daroogada maanka doorisa nuuc kasa ay tahay.

“amarada madaxdiina inaad fulisaan sow diyaar uma tihiin,Salaada inaad tukadaan sow diyaar uma tihiin,inaad Alle ka baqdaan sow diyaar uma tihiin,waxaad la dagaalaysaan dad diin sheeganaya oo hadana aan diin shaqo ku lahayn”ayuu yiri Sheekh Abuukar

wuxu ku booriyay inay qaataan oo fuliyaan wax kasta oo awaamiir ah oo kaga yimaada dhanka taliyayaashooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleWasiirka Warfaafinta Somalia muxu ka sheegay shirka dalalka Islaamka+SAWIRRO
Next articleWararkii ugu danbeeyay dagaalka Xamaas iyo Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here