Wadahadal nabadeed oo u furmay Taliban iyo dowladda Afghanistan

0

Dhinacyada ku dagaallamaya dalka Afghanistan ayaa wadahadallo nabadeed oo taarikhi ah ay uga furmeen magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, si ay u dhameeyaan colaadda uu dhiigga badani ku daatay ee dalkaasi ka taagneyd ku dhawaad muddo 20 sano.

Saraakiil sar sare oo ka socda dowladda Afghanistan iyo ururka Taliban ayaa markii ugu horreeysay si fool ka fool ah oo rasmi ah isku soo horfariistay maanta, iyadoo furitaanka shirka uu ka qeyb galay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Ka qeybgalkiisa ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyo dublamaasiyadeed oo uu maalmahan maamulka Trump ku dhisayay siyaasaddiisa dibadda, xilli ay soo dhowaatay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Pompeo ayaa u sheegay labada dhinac in ay xambaarsan yihiin mas’uuliyad culus islamarkaana ay heystaan fursad ay ku xallin karaan kala qeybsanaantooda.

Inkastoo kulankii maanta uu iska ahaa munaasabad furitaan ah, haddana labada dhinac ayaa waxaa horyaalla qodobo adag oo laga rabo in ay xal ka gaaraan kuwaasoo ay ka mid yihiin xabbad joojin joogta ah oo dhaqan gasha, hub ka dhigista tobonaan kun oo maleeshiyaad ah oo isugu jira Taliban iyo kuwo daacad u ah dagaal oogayaal qaarkood ee taageera dowladda, iyo xuquuqda haweenka.

Waxay kaloo ka doodi doonaan, isbadal lagu sameeyo dastuurka iyo sidii ay labada dhinac u qeybsan lahaayeen awoodda iyo talada dalka.

Zalmay Khalilzad, oo ah ergeyga Mareykanka ee dib u heshiisiinta Afghanistan, ayaa weriyeyaasha u sheegay fiidnimadii xalay in ka dib xafladaha furitaanka wadaxaakjoodka ee maanta ay dhinacyada Afghanistan dhexdooda si toos ah u wada hadli doonaan iyadoo aanu jirin cid dhex dhexaadineysa oo shirka kala qeybgaleysa.

Diblumaasigan rug-caddaaga ah ee ku dhashay dalka Afghanistan ayaa sheegay in labada koox ee wadaxaajooneysa ay ka wada hadli doonaan oo “aan rajeynayaa in ay heshiis ka gaaraan khariidad siyaasadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka burburka badan dhaliyey ee Afghanistan.”

Khalilzad ayaa ah ergaygii Mareykanka ee Taliban kala xaajooday, ka dibna la saxiixday heshiis taariikhi ah oo ay labada dhinac qalinka ku duugeen horraantii sanadkan si loo soo afjaro dagaalka muddo ku dhow 20 sano ka socotay dalkaasi, waxaana uu heshiiskaasi gogol-xaar u noqday wadaxaajoodka dhinacyada Afghanistan.

Taliban ayaa dagaal ka wadday Afghanistan tan iyo sannadkii 2001-dii, markaas oo ay Mareykanka iyo xulufadiisa weerareen si ay u soo qabtaan ama u dilaan Osama bin Laden, oo ahaa hogaamiyihii Al Qaacida oo fulisay weerarkii Mareykanka lagu qaaday Sept. 11 2001.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here